Home   Aw Yuusuf News
Contact Us NSX Buugaag Cashar Links Books Daawo News
 
Sayid Abdirahman Yutube
Erayada Ka Bilawda Xarafka “Y”
 

Yaabis, Suurada Taaha (20:77)

Fasiraadda Aayada

Waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse Guuree Addoomahayga uguna yeel waddo Badda dhexdeeda Yaabis (si ay Qalayl ugu noqoto) hana ka cabsan in laydin Haleelo (in laydin soo gaadho), hana cabsan (Badda).



Tusaalaha erayga Yaabis, iyo isticmaalkiisa

Erayga Yaabis waa eray aad looga icticmaalo Dhulka Soomaali Galbeed, macnihiisuna waxaa weeye wax qalallan, amaba engaggan.

Tusaale: Shuuradani (Soortani) waa Yaabis ee Subag, iyo Caano kusoo dara. 
Wada Akhri 

Bismi Laahi

HORDHAC

R
un ahaantii qorida Buuggani wakhti dheer baan ku fikirayey. Markaan yaraa waxaan aad u jeclaa inaan Culimada ka dhagaysto Tafsiirka Quraanka.Waxaan aad u xiisayn jiray Qisooyinka Nabiyada  قصص الأنبياء  Markasta oo aan Qiso maqlana waxaan jeclaa inaan waxbadan kasii ogaado. Taasina waxay igu dhalisay inaan Quraanka aad u akhriyo. Af Soomaaliga Quraanka ku jira

Nasiib wanaag markii ugu horraysay ee aan arko Kitaabka Quraanka ah oo Turjubaan Af Soomaali ahi la socdo waxay ii ahayd farxad weyn. Kadibna waxaan bilaabay inaan Quraanka u barto si fiican anigoo baadhaya Suurad, iyo Aayad walba fasirkooda guud, iyo erayo ahaanba. Ugu dambayna waxaan ogaaday inuu Quraanka Kariimka ah ay ka buuxaan erayo badan oo Af Soomaali ah.

Quraanku 100% waa Carabi asli ah.  Hadaba maxaa keenay iney Quraanka ku jiraan erayo aanay hadda isticmaalin Dadka Af Carbeedka ku hadlaa?.
Erayada inta badan lagu sheego iney yihiin erayo shisheeye (Foreign words) ee Quraanka ku jira runti waxaan cilmi baadhistayda ku ogaaday ineyna erayo shisheeye ahayn ee ay yihiin erayo kasoo jeeda Carabigii qadiimiga ahaa, kaaso hadda aanay Carabtu u isticmaalin nolol maalmeed-kooda (Their daily lives).

Tusaale: Erayga;  قَسْوَرَةٍۭ  (Libaax) Qaswara, Suurada Mudasir Suurada Mudasir  (74:51) waa eray Axmaari ah (Ethiopian) balse luuqada Axmaarigu waa mid ka mid ah luuqadaha ay Dadka Shaamka ahi (Semitic people) ku hadlaan, markaa erayga;  قَسْوَرَةٍۭ  (Libaax) Qaswara, waa Carabi asli ah. Laakiin markay kalabaxeen luuqadahaasi ayey Axmaaradu si gooni ah u qaateen eraygaas.  Sidaa darteed Axmaariga, Cimraaniga (Hebrew), iyo Carabigu waa luuqado walaalo ah hal meelna kasoo wada jeeda, erayo badana wadaaga. Waxaad kaloo ogaan doontaa in luuqada Soomaaliga, iyo Carabiga ay jirtay maray isku mid ahaayeen, amaba ugu yaraan aad iskugu dhawaayeen.

Quraanka, iyo Af Soomaaliga

Xaqiiqdii qofka aad u akhriya, una barta Quraanka Kariimka ah, Af Soomaaligana aqoon fiican u leh, dhib kuma aha inuu markiiba Isha la helo, fahmana Af Soomaaliga Quraanka ku jira. Wada Akhri

Buugga waxaa laga heli karaa Amazon Online Books. Halkan Riix

 


Aw Yuusuf Radio &TV
Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)


Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)

Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)

Fasiraadda Aayada

Waxaad dhahdaa ma waxaan u yeeranaa Eebe ka sokow waxaan na anfacayn nana dhibayn oo dib u noqonaa (gaalnimo) inta Eebe nasoo hanuuniyey ka bacdi, Sida kan ay ka waaleen (lumiyeen) Shaydaamintu dhulka dhexdiisa kadibna Xayraamay Isagoo saaxiibadii ugu yeedhayaan Hanuunka (Diinta Islaamka) iyagoo ku leh noo kaalay, waxaad dhahdaa Hanuunka Eebe unbaa Hanuun ah, waxaana nala amray inaan u hogaansanno Rabiga Caalamiinta.
Wada Akhri 


Taariikhda Qabiilada Soomaalida & Asalkooda 
facebook

    Home  Nala Soo Xidhiidh  Iibso Buugaag  Daawo Cashar Diini ah   Send feedback  sayid.abdirahman@awyuusuf.com  Kor

   © 2024 Aw Yuusuf All Rights Reserved