Waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse Guuree Addoomahayga uguna yeel waddo Badda dhexdeeda Yaabis (si ay Qalayl ugu noqoto) hana ka cabsan in laydin Haleelo (in laydin soo gaadho), hana cabsan (Badda).
aqiiqdii
qofka aad u akhriya, una barta Quraanka Kariimka ah, Af Soomaaligana
aqoon fiican u leh, dhib kuma aha inuu markiiba Isha la helo, fahmana Af
Soomaaliga Quraanka ku jira. Siduu Af Soomaaligu Quraanka ugu jiri karaa?
Cilmi baadhis aan
wakhti dheer waday waxaan ku ogaaday in qiyaastii Shan Kunoo Sano (5000)
wakhti hadda laga joogo ay luuqadaha Soomaliga, iyo Carabigu hal luuqad wada
ahaayeen, amaba ugu yaraan ay aad iskugu dhawaayeen. Waxaana ay u badan tahay
iney Soomalidii, iyo Carabtii hore is-fahmi jireen si dhibyarna u wada hadli
jireen iyadoon loo kala Turjubaanin sida hadda jirta oo kale.Balse in loo kala
turjumo wakhtigan hada ahna waxaa keenay kala bixida ay labada luuqadood kala
baxeen aadna u kala fogaadeen, iyadoo ay luuqad walba goonideeda u abuurantay
(developed independently) islamarkaana ay luuqado kale saamayn ku yeesheen . (Quraanku) Waa Af Carabi Cad
(Suurada Ash-Shucaraa (26:195)
Siduu Allaah (swt) Quraanka inoogu sheegay; Wuxuu Eebe Quraanka kusoo
dajiyey luuqada Carabiga oo cad. Balse luuqada Soomaaligu hada Carabiga wey ka
duwan tahay. Hadaba maxaa keenay in erayo badan oo Af Soomaali ahi ay Quraanka
ku jiraan? Su’aashaa jawaabteedu waxay ku jirtaa oo laga dhex heli karaa Af
Soomaaliga natiisa! Erayada Af Soomaaliga ah ee Quraanka ku jiraa waxay iskugu
jiraan laba qaybood. 1.Erayo Af Soomaali ah oo soo dajintii Quraanka ka hor
ay Soomaalidu isticmaali jirtay Tusaale ahaan; waxaa caddayn u ah erayga Waaq oo
Af Soomaali Qadiimi ah, islamarkaana Carabi Qadiimi asli ah. Ka fiiri buugga
sharaxaad dheeraad ah, iyo erayga Waaq. Sidoo kale erayada Jarar, Jawhar,
iyo kuwo kaloo badani waa Af Soomaali qadiimiya dhulalka Soomaalidu degtana
loogu magac daray. 2.Erayo lasocday markay Diinta Islaamku soo gaadhay
Dhulka Soomaalida, noqdayna qayb kamid ah Af Soomaaliga. Tusaale ahaan; Salaada,
Soonka, Xajka, Sakada iwm.Halkaasna
waxaa ku cad inuu Af Soomaaligu asal ahaan kasoo jeedo luuqada Carabiga.
Inkasta oo buugaagta lagu qoro iney Soomaalidu kasoo jeedo
Kuush (Cushite) Binu Haam, balse Soomaalidu runtii waxay kasoo jeedaa
Kuush walaalkii, lana odhan jirey Punt (Bunta) Binu Xaam Binu Nuux. Punt,
iyo Kuush waxay wada daganaayeen Koonfurta Carabiya iyo labada dhinaca ee Badda
Cas (Jasiiratul Carab, iyo Afrikada Bari). Sidoo kale waxay Punt, iyo
Kuush walaalo ahaayeen Masri Binu Xaam (Masaaridii hore oo aanay Faraaciintuku jiri) , iyo Hindi Binu Haam (Hindida Maariinka-Madow ah ee hadda
degta Koonfurta India). Dhinac walbana waxay ahaayeen qabiilo isku dhow,
sida dhaqanka, iyo luuqada.
Faraaciintu waxay kasoo
jeedaan qabiilkaas Punt la odhan jirey (Soomaalidii hore, Masarna waxay ku
qabsadeen dagaal) asalkoodiina waxay ka yimaadeen Geeska Afrika, amaba
Dhulkii Udugga (Puntland). Ingiriisku runtii nebcaansho gaamuray
ayuu u qabaa dadka Soomaaliyeed, taariikh been ahna wuu u sameeyey si uu u
qariyo taariikhda lix kunoo Sanadood (6000) ah ee ay Ummada Soomaaliyeed leedahay. Soomaliduna waa
kuwa kaliya ee xorta ah, marka loo fiiriyo Kuushkii kale, sida Oromada,
Canfarta, iyo kuwo kale oo ay Soomaalida iskugu dhawaayen xagga Jinsiyadda wuxuu
Ingiriisku ku kala daray Ethiopia, Kenya, iyo Eritrea. Buugga waxaa laga heli karaa Amazon Online Books.
Halkan Riix Waxaa Qoray
Sayid Cabdiraxmaan Sheekh
Xasan Aw Yuusuf
Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)
Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)
Fasiraadda Aayada
Waxaad dhahdaa ma waxaan u yeeranaa Eebe ka sokow waxaan na anfacayn nana dhibayn oo dib u noqonaa (gaalnimo) inta Eebe nasoo hanuuniyey ka bacdi, Sida kan ay ka waaleen (lumiyeen) Shaydaamintu dhulka dhexdiisa kadibna Xayraamay Isagoo saaxiibadii ugu yeedhayaan Hanuunka (Diinta Islaamka) iyagoo ku leh noo kaalay, waxaad dhahdaa Hanuunka Eebe unbaa Hanuun ah, waxaana nala amray inaan u hogaansanno Rabiga Caalamiinta. Wada Akhri