Home   Aw Yuusuf News
Contact Us NSX Buugaag Cashar Links Books Daawo News
 
Sayid Abdirahman Yutube
Erayada Ka Bilawda Xarafka “Y”
 

Yaabis, Suurada Taaha (20:77)

Fasiraadda Aayada

Waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse Guuree Addoomahayga uguna yeel waddo Badda dhexdeeda Yaabis (si ay Qalayl ugu noqoto) hana ka cabsan in laydin Haleelo (in laydin soo gaadho), hana cabsan (Badda).



Tusaalaha erayga Yaabis, iyo isticmaalkiisa

Erayga Yaabis waa eray aad looga icticmaalo Dhulka Soomaali Galbeed, macnihiisuna waxaa weeye wax qalallan, amaba engaggan.

Tusaale: Shuuradani (Soortani) waa Yaabis ee Subag, iyo Caano kusoo dara. 
Wada Akhri 
Buugaagta Sayid Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Uu Qoray

Halkan waxaad ka heli kartaa buugaagta aan qoray, gaar ahaan kuwa Af Soomaaliga ku qoran.Af Soomaaliga Quraanka ku jira

Af Soomaaliga Quraanka ku jira

Waa buug ka waramaya Af Soomaaliga Quraanka ku jira. Waa buug qofka akhriya uu waxweyn ka baran doono, islamarkaana si aad u dhibyar loo fahmi karo. Buuggani wuxuu ku qoran yahay Af Soomaali si sahlan loo garan karo.

Buugga Af Soomaaliga Quraanka ku jira wuxuu kuu sharaxayaa laba arimood

1. Inay luuqada Soomaaligu asal ahaan kasoo jeedo luuqada Carabiga
2. Caddayna waxaa u ah erayada Af Soomaaliga ah ee Quraanka ku jira Sida; Waaq, Yuunbad, Yaabis, Saahid, Qardhaas, Xaabo, Xariir, Daray, Muran, Hami, iyo kuwo kale oo badan.

Buuggani waa buuggii loogu hadal haynta badan yahay intii buug Af Soomaali ah la qoray. Buuggu wuxuu si weyn usoo nooleeyey sheegashadii beelaha Soomaaliyeed iney Carab kasoo jeedaan.
Erayada Af Soomaaliga ah ee Quraanka Kariimka ah ku jira oo kaliya maanan soo qorin ee waxaa la socda Aayadii Quraanka ee eraygu ku dhex jiray  oo aan soo dhigay nambarka Aayada, iyo Suurada ay ku jirtaba. Taasina waxay u dhib yaraynaysaa akhristaha inuu sii balaadhiyo barashada Quraanka.
Buugga waxaa laga heli karaa Amazon Online Books. Halkan Riix

 

 

 


Aw Yuusuf Radio &TV
Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)


Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)

Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)

Fasiraadda Aayada

Waxaad dhahdaa ma waxaan u yeeranaa Eebe ka sokow waxaan na anfacayn nana dhibayn oo dib u noqonaa (gaalnimo) inta Eebe nasoo hanuuniyey ka bacdi, Sida kan ay ka waaleen (lumiyeen) Shaydaamintu dhulka dhexdiisa kadibna Xayraamay Isagoo saaxiibadii ugu yeedhayaan Hanuunka (Diinta Islaamka) iyagoo ku leh noo kaalay, waxaad dhahdaa Hanuunka Eebe unbaa Hanuun ah, waxaana nala amray inaan u hogaansanno Rabiga Caalamiinta.
Wada Akhri 


Taariikhda Qabiilada Soomaalida & Asalkooda 
facebook

    Home  Nala Soo Xidhiidh  Iibso Buugaag  Daawo Cashar Diini ah   Send feedback  sayid.abdirahman@awyuusuf.com  Kor

   © 2024 Aw Yuusuf All Rights Reserved