
Erayada Ka Bilawda Xarafka “Y”
 Yaabis, Suurada Taaha (20:77)
Fasiraadda Aayada
Waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse Guuree Addoomahayga uguna yeel waddo Badda dhexdeeda Yaabis (si ay Qalayl ugu noqoto) hana ka cabsan in laydin Haleelo (in laydin soo gaadho), hana cabsan (Badda).
Tusaalaha erayga Yaabis, iyo isticmaalkiisa
Erayga Yaabis waa eray aad looga icticmaalo Dhulka Soomaali Galbeed, macnihiisuna waxaa weeye wax qalallan, amaba engaggan.
Tusaale: Shuuradani (Soortani) waa Yaabis ee Subag, iyo Caano kusoo dara.
Wada Akhri
|
Ye iyo Yuhuuda Maraykanka maxaa kala
haytsa
Aw Yuusuf News, 3-12-2022 Heesaaga Maraykanka madow ee horey loo odhan Kanye
West, mardhawaydna la baxay "Ye" ayaa maanta ah qofka loogu hadal haynta weyn yahay
dunida luuqada Ingiriiska ku hadasha sida Maraykanka, Canada, UK iwm. Kadib
markuu waresyi xiiso badan siiyey wariyaha caanka ah ee Alex Jones ayuu Ye
ku dhawaaqay inuu dadxasuuqihii Hitler jecel yahay, isagoo yidhi Hitler wax
fiican buu qabtay sida buu yidhi inuu isagu soo alifay jidadka waaweyn ee
lagu safro ee Hiway-ga loo yaqaan.

Wareysiga waxaa kaloo ku weheliyey nin cadaan ah oo Yuhuudu ku sheegtay inuu
yahay ninka Yuhuuda ugu neceb ee adduunka ku nool laguna magacaabo Nicholas
J. Fuentes looguna yeedho Nick Fuentes. Ye oo hada u ololaynaya inuu u tartamo
jagada m/weynaha Maraykanaka ee sanadka 2024 ayaa hada ah ninka loogu hadal hayn
weyn yahay adduunka. Hadaba wareysigaa kadib ayuu Ye calaamada ololaha tartanka
m/weynaha wuxuu ka dhigtay calaamadii Naasiga Hitler iyo xidigta ay Yuhuudu
isticmaasho ee lixda gees leh oo lays dhexgaliyey taasoo keentay in laga xidho bartiisii
Twitter-ka.
Ye ayaa waraysiga ku sheegay iney gabi ahaanba burburiyeen maalqabeenada
kasoo jeeda Yuhuuda maraykanku noloshiisii iyagoo buu yidhi bangigaygii
iga xidhay naagtaydii iyo caruurtaydiina iga soo saaray sidaa darteed
buu yidhi dagaal cad baan la galayaa maadaama ay sidii Hitler dagaal igu
soo qaadeen. Si kastaba ha noqotee Ye ayaa lagu tilmaamay inuu yahay
ninkii ugu geesisanaa qarnigan bilawga ah e 21aad maadaama aan Yuhuuda
Marykanka gadaashood la hadal, wixii hadal kusoo celiyaana ayba u arkaan
qof waalan oo sacabo madhan Libaax kala hortagay. Yuhuuda addunka ayaa
wakhtigan hada ah u muuqda kuwo aad ula sakhraansan awooda xad dhaafka
ee ay leeyihiin iyagoo isku arka iney adduunka hada iyagu leeyihiinba.
|
|

Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)
Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)Fasiraadda AayadaWaxaad dhahdaa ma waxaan u yeeranaa Eebe ka sokow waxaan na anfacayn nana dhibayn oo dib u noqonaa (gaalnimo) inta Eebe nasoo hanuuniyey ka bacdi, Sida kan ay ka waaleen (lumiyeen) Shaydaamintu dhulka dhexdiisa kadibna Xayraamay Isagoo saaxiibadii ugu yeedhayaan Hanuunka (Diinta Islaamka) iyagoo ku leh noo kaalay, waxaad dhahdaa Hanuunka Eebe unbaa Hanuun ah, waxaana nala amray inaan u hogaansanno Rabiga Caalamiinta.
Wada Akhri

 |