Home   Aw Yuusuf News
Contact Us NSX Buugaag Cashar Links Books Daawo News
 
Sayid Abdirahman Yutube
Erayada Ka Bilawda Xarafka “Y”
 

Yaabis, Suurada Taaha (20:77)

Fasiraadda Aayada

Waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse Guuree Addoomahayga uguna yeel waddo Badda dhexdeeda Yaabis (si ay Qalayl ugu noqoto) hana ka cabsan in laydin Haleelo (in laydin soo gaadho), hana cabsan (Badda).



Tusaalaha erayga Yaabis, iyo isticmaalkiisa

Erayga Yaabis waa eray aad looga icticmaalo Dhulka Soomaali Galbeed, macnihiisuna waxaa weeye wax qalallan, amaba engaggan.

Tusaale: Shuuradani (Soortani) waa Yaabis ee Subag, iyo Caano kusoo dara. 
Wada Akhri 
Bismi Laahi

Xariir, Suurada Faatir (35:33)

Xariir

Fasiraadda Aayada
Jannada Cadnin (Jannadii Waarida) bey gali iyagoo loogu dhex xidhayo Asaawir (Jijimo) Dahab iyo Luul ah, dharkooda Jannaduna waa Xariir.

Allaahu Akbar, Tafsiirka Aayadan aad baan ula halgamay

Waligey Culimadeena kama maqa in erayga أَسَاوِرَ uu yahay Dhudhumo-gashi, amaba (Jijmo) luuqada Ingiriiskana waa “Bracelet” Ajar Eebe ha kasiiyo diinta ay ina bareen culimada Soomaaliyeed, balse waxaa jira erayo badan oo Quraanka ku jira oo ay fasirka aad ugu soo koobeen, aadna aysan u sharaxin taasina waxay keentay in dadweynuhu ay diinta, gaar ahaan Quraanka dhayalsadaan, maadaama uusan inbadan Quraanku ka dhaadhicin, amaba aysan aad u fahmin.

Tusaalaha erayga Xariir, iyo isticmaalkiisa

Xariir waa nooc kamid ah noocyada dharka qaaliga ah ee la xidho.

Tusaale: Dharka xariirta laga sameeyey waa ka xaaraan ragga Muslimka ah iney aduunyada ku xidhaan.


Aw Yuusuf Radio &TV
Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)


Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)

Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)

Fasiraadda Aayada

Waxaad dhahdaa ma waxaan u yeeranaa Eebe ka sokow waxaan na anfacayn nana dhibayn oo dib u noqonaa (gaalnimo) inta Eebe nasoo hanuuniyey ka bacdi, Sida kan ay ka waaleen (lumiyeen) Shaydaamintu dhulka dhexdiisa kadibna Xayraamay Isagoo saaxiibadii ugu yeedhayaan Hanuunka (Diinta Islaamka) iyagoo ku leh noo kaalay, waxaad dhahdaa Hanuunka Eebe unbaa Hanuun ah, waxaana nala amray inaan u hogaansanno Rabiga Caalamiinta.
Wada Akhri 


Taariikhda Qabiilada Soomaalida & Asalkooda 
facebook

    Home  Nala Soo Xidhiidh  Iibso Buugaag  Daawo Cashar Diini ah   Send feedback  sayid.abdirahman@awyuusuf.com  Kor

   © 2024 Aw Yuusuf All Rights Reserved