Home   Aw Yuusuf News
Contact Us NSX Buugaag Cashar Links Books Daawo News
 
Sayid Abdirahman Yutube
Erayada Ka Bilawda Xarafka “Y”
 

Yaabis, Suurada Taaha (20:77)

Fasiraadda Aayada

Waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse Guuree Addoomahayga uguna yeel waddo Badda dhexdeeda Yaabis (si ay Qalayl ugu noqoto) hana ka cabsan in laydin Haleelo (in laydin soo gaadho), hana cabsan (Badda).



Tusaalaha erayga Yaabis, iyo isticmaalkiisa

Erayga Yaabis waa eray aad looga icticmaalo Dhulka Soomaali Galbeed, macnihiisuna waxaa weeye wax qalallan, amaba engaggan.

Tusaale: Shuuradani (Soortani) waa Yaabis ee Subag, iyo Caano kusoo dara. 
Wada Akhri 

Bismi Laahi

5 tan eray ee Carabiga ah ayaa Af Soomali ku sheegi kara?
La-tartan buugga Af Soomaaliga Quraanka ku jiraAf Soomaaliga Quraanka ku jira


Waxaa jira erayo badan oo Quraanka Kariimka ah ku jira oo Carabi asal ah, islamarkaana Soomaali ah. Hadaba waxaan halkan idiinku hayaa shan eray oo Af Soomaali ahaan aynaan erayo kale u aqoonin oo siday Quraanka ugu jiraan aynu u isticmaalo. Erayadani waa kuwo muujinaya iney luuqadeena Soomaaligu Carabiga kasoo jeedo. Kolkaa waxaan ka codsanyaa qofka rumaysan ineysan luuqada Soomaaligu Af Carabiga kasoo jeedin uu ii keeno shan eray oo la macno ah erayadan maadaama ay erayadani yihiin kuwo aad muhiim ugu ah xadaarada iyo jiritaanka Ummad kasta oo adduunyada ku nool iney leeyihiin oo isticmaalan.
Erayaduna waxay kala yihiin: 1. Bikro 2. Dahab 3. Jeebka. 4. Xariir. 5. Xayawaan. Halkan Riix Video-ga



Bikro, Suurada Al Waaqica (56:36)

Fasiraadda Aayada
Kana dhignay bikrooyin.

Bikro waa magaca loogu yeedho gabdhaha aan wali la guursanin, amaba aan wali lalal guri galin


Dahab & Xariir, Suurada Faatir (35:33)

Fasiraadda Aayada
Jannada Cadnin (Jannadii Waarida) bey gali iyagoo loogu dhex xidhayo Asaawir (Jijimo) Dahab iyo Luul ah, dharkooda Jannaduna waa Xariir.


Jeebka, Suurada An-Namal (27:12)

Fasiraadda Aayad
Gali gacantaada Jeebkaaga (Nabi Muusow) waxay soo bixi iyadoo Cad xumaan La'aanna ah waxayna ka mid yihiin Sagaalka Aayadood ee Fircoon iyo Qoomkiisa loo Muujiyey, waxayna ahaayeen Qoom Faasiqiin ah.


Xayawaan, Suurada Al Cankabuut (29:64)

Fasiraadda Aayada
Mana aha noloshan aduunyadu ciyaar iyo dheeldheel mooyee, Daarta Aakhirana waa meel nool   (Xayawaan) haday (dadku) ogaan lahaayeen
.





Buugga waxaa laga heli karaa Amazon Online Books. Halkan Riix


Aw Yuusuf Radio &TV
Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)


Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)

Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)

Fasiraadda Aayada

Waxaad dhahdaa ma waxaan u yeeranaa Eebe ka sokow waxaan na anfacayn nana dhibayn oo dib u noqonaa (gaalnimo) inta Eebe nasoo hanuuniyey ka bacdi, Sida kan ay ka waaleen (lumiyeen) Shaydaamintu dhulka dhexdiisa kadibna Xayraamay Isagoo saaxiibadii ugu yeedhayaan Hanuunka (Diinta Islaamka) iyagoo ku leh noo kaalay, waxaad dhahdaa Hanuunka Eebe unbaa Hanuun ah, waxaana nala amray inaan u hogaansanno Rabiga Caalamiinta.
Wada Akhri 


Taariikhda Qabiilada Soomaalida & Asalkooda 
facebook

    Home  Nala Soo Xidhiidh  Iibso Buugaag  Daawo Cashar Diini ah   Send feedback  sayid.abdirahman@awyuusuf.com  Kor

   © 2024 Aw Yuusuf All Rights Reserved