
Erayada Ka Bilawda Xarafka “Y”
 Yaabis, Suurada Taaha (20:77)
Fasiraadda Aayada
Waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse Guuree Addoomahayga uguna yeel waddo Badda dhexdeeda Yaabis (si ay Qalayl ugu noqoto) hana ka cabsan in laydin Haleelo (in laydin soo gaadho), hana cabsan (Badda).
Tusaalaha erayga Yaabis, iyo isticmaalkiisa
Erayga Yaabis waa eray aad looga icticmaalo Dhulka Soomaali Galbeed, macnihiisuna waxaa weeye wax qalallan, amaba engaggan.
Tusaale: Shuuradani (Soortani) waa Yaabis ee Subag, iyo Caano kusoo dara.
Wada Akhri
|

Qaabka aan u qoray Buugga
Farta Af Soomaaligu waxay ka kooban tahay 26 Xaraf oo lagu qoray xarfaha Farta Laatinka (based on Latin alphabet).
Qaabka xarfaha luuqada Soomaaliga layskugu xejiyey, amaba layskugu xiriiriyey waa isla qaabka ay xarfaha Carabigu u xiriirsan yihiin iskuguna xigaan. Xarfaha Carabigu waxay ka bilawdaan أ (Aliff) sidaa darteed baan buugga ku bilaabay xarafka “A”
Sharaxaad ku saabsan Xarafka “DH” iyo Xarfo kale
Inkasta oo uu Af Soomaaliga aad ugu jiro
xarafka “DH” haddana erayada Carabiga ah ee ka bilawda xarfaha
ظ
iyo ط waxay Soomaalidu u istcmaashaa xarafka “D”
Tussale: Erayga لَحْمًۭا طَرِيًّۭا (Hilib Daray ah) (Suurada An-Naxli (16:14) Sidaad kor ku aragtid لَحْمًۭا طَرِيًّۭا
Af Soomaali ahaan uguma dhawaaqno “Dh” sidoo kalena uma qorno -Hilib Dharay- ah ee waxaan u qornaa “Hilib Daray”
ah, dhawaaqiisuna waa xarafka “D”.Waxaa kale oo aan Quraanka ka dhex helay erayo aad u badan oo ay iskusi ugu dhawaaqaan Carabta, iyo Soomaalidu balse macanahoodu kala duwan yahay.
Tusaale: Erayga ٱلنَّاسِ “Naas”. Soomaalidu waxay Naas u taqaana; Xubinta Nuujinta ilmaha ee Hooyada, halka ٱلنَّاسِ uu Carabiga yahay “Dad”. Erayada noocan oo kale ahna buugga maanan kusoo darin ee waa ka tagay waayo macnuhu isma waafaqsana (isku mid maahin).
Luuqada Soomaaligu malaha xarfaha Carabiga ee kala ah:

Sidaa darteed erayada Carabiga ah ee ka bilaabanayey xarfahan kore, waxaan ku badalay xarfo Soomaali ah oo dhawaaq ahaana ay Soomalidu garanayso..Sidoo kale xarafka
ط, inta badan waxaan ku badalay xafarka “D” ee Soomaaliga ah.
Fiiri shaxda
hoos

Tusaale ku saabsan erayga "Tukubid"

Tukubid, Suurada Taaha (20:18)
Fasiraada Aayada
Wuxuu yidhi (Nabi Muuse) iyada waa Ushaydii waan ku Tukubaa (cuskada) korkeeda waxna waan ugu lulaa (Laamah geedaha baan ugu soo laalaadiyaaa) Adhigayga dana kalena waan ku qabsadaa.
Qeexid: Tukubid waa waxaad cuskatid markaad socotid, amaba qofku kaalmaysto markuu istaagayo. Eraygu waa Af Soomaali, waana Carabi asli ah. Ku dhawaaqida baase waxyar kala duwan. Xididka erayguna waa Carabi, iyo Soomaali (Root Word)..
Fiiri shaxda hoose

Shaxdan kore waxay muujinaysaa siduu erayga
أَتَوَكَّؤُا۟ u yahay “Tukubid” waana Af Soomaali run ah.
Waayo sidaan cilmi baadhis ku ogaaday waxaa jirtay wakhti ay Af
Soomaliga & Af Carabigu isku hal luuqad ahaayeen, amaba aad iskugu
dhawaayeen.
Ugu dambayn; Luuqada Carabigu malaha xarfaha Soomaaliga ee kala ah: E & G.
Warbixin ku saabsan xarafka "G" waxay ku jirtaa buugga. Buuggana waxaa laga heli karaa Amazon Online Books.
Halkan Riix
Sayid Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Aw Yuusuf
Qoraaga buugga. e-mail:
sayid.abdirahman@awyuusuf.com
|
|
|

Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)
Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)Fasiraadda AayadaWaxaad dhahdaa ma waxaan u yeeranaa Eebe ka sokow waxaan na anfacayn nana dhibayn oo dib u noqonaa (gaalnimo) inta Eebe nasoo hanuuniyey ka bacdi, Sida kan ay ka waaleen (lumiyeen) Shaydaamintu dhulka dhexdiisa kadibna Xayraamay Isagoo saaxiibadii ugu yeedhayaan Hanuunka (Diinta Islaamka) iyagoo ku leh noo kaalay, waxaad dhahdaa Hanuunka Eebe unbaa Hanuun ah, waxaana nala amray inaan u hogaansanno Rabiga Caalamiinta.
Wada Akhri

 |