Home   Aw Yuusuf News
Contact Us NSX Buugaag Cashar Links Books Daawo News
 
Sayid Abdirahman Yutube
Erayada Ka Bilawda Xarafka “Y”
 

Yaabis, Suurada Taaha (20:77)

Fasiraadda Aayada

Waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse Guuree Addoomahayga uguna yeel waddo Badda dhexdeeda Yaabis (si ay Qalayl ugu noqoto) hana ka cabsan in laydin Haleelo (in laydin soo gaadho), hana cabsan (Badda).



Tusaalaha erayga Yaabis, iyo isticmaalkiisa

Erayga Yaabis waa eray aad looga icticmaalo Dhulka Soomaali Galbeed, macnihiisuna waxaa weeye wax qalallan, amaba engaggan.

Tusaale: Shuuradani (Soortani) waa Yaabis ee Subag, iyo Caano kusoo dara. 
Wada Akhri 
Bismi Laahi

Daciifiin
Daciifiinta, Suurada An-Nisaa (4:97)

 Fasiraadda Aayada

Kuway Oofsato (nafta ka qaadayso) Malaa'igtu iyagoo dulmiyey naftooda waxay ku dhahaan (Malaa'igtu) maxaad ahaydeen (xaaladiinu maxay ahayd) waxayna dhahaan kuwo lagu Daciifsado (lagu gumeysto) Dhulka ayaanu ahayn, waxayna dhahaan (Malaa'igtii) miyuuna ahayn Dhulka Eebe Wasaac ood ku Hijrootaan dhexdeeda (Dhul aad xor ugu tihiin Caabudaada Allaah tagtaan) kuwaas hooygoodu waa Jahannamo waana meel xun oo loo hoydo.

Tusaalaha erayga Daciifiinta, iyo isticmaalkiisa

Daciintu waa dad la gumaysto aadna u tamar daran. Aayaduna waxay ina xusuusineysaa ineynaan noqonin Daciifiin aduunka lagu gumeysto ee aynu noqono kuwo xor u ah Caabudka Allaah (swt) waayo dhulka Eebe waa waasac ee meshii lagugu daciifsado iskaga guur oo u guur meelaad xor ku tahay.
Tusaale: Dadka qaata bahdilku waxay noqdaan Daciifiin! .


Aw Yuusuf Radio &TV
Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)


Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)

Xayraan, Suurada Al Ancaam (6:71)

Fasiraadda Aayada

Waxaad dhahdaa ma waxaan u yeeranaa Eebe ka sokow waxaan na anfacayn nana dhibayn oo dib u noqonaa (gaalnimo) inta Eebe nasoo hanuuniyey ka bacdi, Sida kan ay ka waaleen (lumiyeen) Shaydaamintu dhulka dhexdiisa kadibna Xayraamay Isagoo saaxiibadii ugu yeedhayaan Hanuunka (Diinta Islaamka) iyagoo ku leh noo kaalay, waxaad dhahdaa Hanuunka Eebe unbaa Hanuun ah, waxaana nala amray inaan u hogaansanno Rabiga Caalamiinta.
Wada Akhri 


Taariikhda Qabiilada Soomaalida & Asalkooda 
facebook

    Home  Nala Soo Xidhiidh  Iibso Buugaag  Daawo Cashar Diini ah   Send feedback  sayid.abdirahman@awyuusuf.com  Kor

   © 2024 Aw Yuusuf All Rights Reserved