Erayga Saahid, iyo Quraanka Saahid waa eray ay Soomaalidu magac ahaan u isticmaalaan, aadna caan u ah. Balse ma ogtahiin inuu erayga "Saahid" yahay Carabi qadiimi ah islamarkaana Soomali asli ah yahay? Saahid, Suurada Yuusuf (12:20) Waxayna ku iibiyeen (Nabi Yuusuf) qiima jaban oo Dirhamo (lacag) yar ah Waxayna ahaayeen kuwo iskaga Saahiday (ka tagay iyagoon rabin) Wada Akhri |
Af Soomaaligu waa luuqad qadiimi ah ismarkaana Quraanka kujirta Af Soomaaligu waa luuqad qadiimi ah ismarkaana Quraanka kujirta. Daawo sharaxaad kusaabsan luuqada Soomaliga iyo Quraanka. Daawo Video ga Dadku miyey ku noolaan karaan space-ka? Daawo sideysan suuragal u ahayn iney Iinsaanku kunoolaadaan mell aan dhulka ahayn. Daawo. Daawo Jaamacada Al-Azhar oo buug ka qortay asalka iyo meesha ay kasoo jeedo luuqada Soomaligu. Waa buug ay daabacday jaamada Al-Azhar ayaa lagu sheegay asalka af Soomaaliga. Daawo Video ga. Qawmiyada Rendille waa maxay magaca ay Allah (SWT) u yaqaanaan?, Soomalidase maxay wadaagaan 5 tan eray ee Carabiga ah ayaa Af Soomali ku sheegi kara? La-tartan buugga Af Soomaaliga Quraanka ku jira Waxaa jira erayo badan oo Quraanka Kariimka ah ku jira oo Carabi asal ah, islamarkaana Soomaali ah. Hadaba waxaan halkan idiinku hayaa shan eray oo Af Soomaali ahaan aynaan erayo kale u aqoonin oo siday Quraanka ugu jiraan aynu u isticmaalo. Erayadani waa kuwo muujinaya iney luuqadeena Soomaaligu Carabiga kasoo jeedo. Kolkaa waxaan ka codsanyaa qofka rumaysan ineysan luuqada Soomaaligu Af Carabiga kasoo jeedin uu ii keeno shan eray oo la macno ah erayadan maadaama ay erayadani yihiin kuwo aad muhiim u ah xadaarada iyo jiritaanka Ummad kasta oo adduunyada ku nool iney leeyihiin oo isticmaalan. Wada Akhri/Daawo Video-ga Buugga Af Soomaaliga Quraanka ku jira wuxuu kuu sharaxayaa laba arimood 1. Inay luuqada Soomaaligu asal ahaan kasoo jeedo luuqada Carabiga 2. Caddayna waxaa u ah erayada Af Soomaaliga ah ee Quraanka ku jira Sida; Waaq, Yuunbad, Yaabis, Saahid, Qardhaas, Xaabo, Xariir, Daray, Muran, Hami, iyo kuwo kale oo badan. Wada Akhri Qaybtii 2aad, sharaxaad ku saabsan buugga Af Soomaaliga Quraanka ku jira Daawo sharaxaad ku saabsan buugga Af Soomaaliga Quraanka ku jira Waa maxay xiriirka ka dhaxeeyey Soomaalidii, Carabtii, iyo Masaaridii hore? Taariikhda dhabta ah ee Yajuuj wa Majuuj. Waa cashar & aqoon kororsi heer Jaamacad ah Xariir, Suurada Faatir (35:33) Fasiraadda Aayada Daciifiinta, Suurada An-Nisaa (4:97) Fasiraadda Aayada Kuway Oofsato (nafta ka qaadayso) Malaa'igtu iyagoo dulmiyey naftooda waxay ku dhahaan (Malaa'igtu) maxaad ahaydeen (xaaladiinu maxay ahayd) waxayna dhahaan kuwo lagu Daciifsado (lagu gumeysto) Dhulka ayaanu ahayn, waxayna dhahaan (Malaa'igtii) miyuuna ahayn Dhulka Eebe Wasaac ood ku Hijrootaan dhexdeeda (Dhul aad xor ugu tihiin Caabudaada Allaah tagtaan) kuwaas hooygoodu waa Jahannamo waana meel xun oo loo hoydo. Wada Akhri Qasab, Suurada Al Kahaf (18:79) Fasiraadda Aayada Doonida waxaa lahaa masaakiin kaga shaqaysta badda waxaanan doonayey inaan jabiyo (macnaha ceeb, amaba Iin u yeelo doonta) waayo waxaa daba socday Boqor Dooni kasta (oo fiican) ku qaata si Qasab ah. Wada Akhri
Qaabka aan u qoray Buugga
Farta Af Soomaaligu waxay ka kooban tahay 26 Xaraf oo lagu qoray xarfaha Farta Laatinka (based on Latin alphabet) Qaabka xarfaha luuqada Soomaaliga layskugu xejiyey, amaba layskugu xiriiriyey waa isla qaabka ay xarfaha Carabigu u xiriirsan yihiin iskuguna xigaan. Xarfaha Carabigu waxay ka bilawdaan أ (Alif) sidaa darteed baan buugga ku bilaabay xarafka “A” Wada Akhri
Af Soomaaliga Quraanka ku jira Maxaad ka ogtahay erayada afkeena Hooyo ee Quraanka ku jira? Waa buug aan ka qoray sidaad magaca buugga ka aragtid afkeena Hooyo ee Quraanka ku jira. Run ahaantii qorida Buuggani wakhti dheer baan ku fikirayey. Markaan yaraa waxaan aad u jeclaa inaan Culimada ka dhagaysto Tafsiirka Quraanka. Wada Akhri Quraanka, iyo Af Soomaaliga |
Erayada Ka Bilawda Xarafka “Y” Yaabis, Suurada Taaha (20:77) Fasiraadda Aayada Waxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse Guuree Addoomahayga uguna yeel waddo Badda dhexdeeda Yaabis (si ay Qalayl ugu noqoto) hana ka cabsan in laydin Haleelo (in laydin soo gaadho), hana cabsan (Badda). Tusaalaha erayga Yaabis, iyo isticmaalkiisa Erayga Yaabis waa eray aad looga icticmaalo Dhulka Soomaali Galbeed, macnihiisuna waxaa weeye wax qalallan, amaba engaggan. Tusaale: Shuuradani (Soortani) waa Yaabis ee Subag, iyo Caano kusoo dara. Wada Akhri |
Home Nala Soo Xidhiidh Iibso Buugaag Daawo Cashar Diini ah sayid.abdirahman@awyuusuf.com
Send feedback Kor
© 2024 Aw Yuusuf All Rights Reserved |